|
|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
- Duco iyo Bogaadin: Shiikh ama Diktoor Xirsi khaer Ilaaha raxmaanka ah ha ku siiyo haan ku xafido
Ass/calykm. marka horey waxaan hambaliyo iyo taageero iyo duco u direeynaa ani iyo saaxiibadeey sheekha wayyeen ee ahlusunnada diktoor xirsi waxaana dhehaynaa Ilaahay cimri dheer oo cibaado wata ha kuugu deeqo.
Shiikh waxaan ani iyo saaxiibaday aad ugu faraxney sida aad qolyahan munxarifiinta ah xaalkooda u bayaanisay, waxa aad sheegaty shiikh dhammaan tood waa run.
Waxaan ku aragnay ani iyo gabdhaha saaxiibaday ah nimankan sida ay naagaha u liidaan oo hadafkoodu oo kaliya yahay in ay gabdhaha yaryar iyo naagaha single motharka ah sir ku guursadaan kadibnah furaan laba usbuuc ka bacdi.
Intaas kaliya maaha shiikh ee waxay had iyo jeeraali naga aruuriyaan lacago badan ayaga oo ku dacwinaayo in ay dacwo ku fidinaayaan, ilaahay ayaa inala og been ku sheegi meeno.
Marka shiikh noosoo ducee emailka noogu soo jawaab oo noo soo sheeg sida looga dhqamo dadkaan noocaas ah. mar labaad kheer aan kuu rejeyhaynaa aniga iyo kulligeen gabdhaha saaxiibaday ah. wassaalaamu calaykum/warxmah.
Sahro <sahro89>
- Thursday, January 19, 2006 at 20:40:10 (CST)
- Jawaab: Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
Assalaamu Calaykum. Walaal masaafada waxaa looga jeedaa in gabadh iyo wiil ay u safraan magaalo kale oo ka fog magaaladooda fogaan gaaraysa xadka masaafada oo ah 90KM qiyaastii, ama ha isla socdeen ama ha kala socdeen ee safarka noocaas ah ayaa soomaalidu u taqaan masaafo.
Masaafada iyo Dhaqanka Soomaalida
Soomaalidii hore waxaa dhaqan u ahaan jiray in ay gabadhu haddii ninka ay rabto loo diido ay baxsato oo magaalo kale u fakato ayada oo ninkii ay rabtay kula ballamaysa in uu meeshaas kula kulmo si ay isu mehersadaan, sidaas ayay ku ballami jireen ninka iyo naagtu.
Sababaha loogu diidi jiray gabdhaha nimanka qaarkood
Sababaha keeni jiray fakashada noocaas ah ee masaafada ah waa:
1. Qabyaaladda, ayada oo ninka naagta loo diido qabiil awgiis.
2. Xaaladda dhaqaale, ayada oo waalidiinta gabdhaha dhalay ay damaaci qaarkood yihiin oo doonayaan in ay gabadha xoolo ku qaataan.
Sida kuu muuqatana waxyaabahaasi wax sharciga waafaqsan ma aha.
Qaabka masaafada soomaalida
Badanaa ninku wuxuu soo kaxaystaa qof ama qaraabadiisa ah ama saaxiibkiis uu ku kalsoon yahay ah, waxaana sidaas loo yeeli jiray arrimo nabadgelyo iyo Markhaati in ay noqdaan.
Gabadhuna sidoo kale waxay soo kaxaysan jirtay gabadh kale oo qaraabadeeda ah ama saaxiibteed ah.
Masaafadu mararka qaar waxay ku timaadaa ogolaashada waalidka ama qaraabada
Mararka qaar waxaa dhacda in aabbaha dhalay gabadha uu diido in uu gabadha siiyo ninka, laakiin hooyadeed iyo qaraabada kale sida ilma adeerku ay ogolyihiin in gabadha la baxsho. Waxaa kale oo dhacda in mararka qaar hooyadu diiddo in gabadha la baxsho ayada oo aabbihii iyo qaraabadii ogolyihiin, aniga ayaana taas u soo taagnaa maalin oo arkay dhacdo tan la mid ah, kolka marka ay taasi dhacdo waalidka qaar ayaa ku dhiirigelsha gabadha iyo wiilka in ay masaafo aadaan si khilaafka noocaas ah looga taagsado oo aanan qoysku isu khilaafin.
Xukunka Masaafada
Marka walaal, waxaan u malaynayaa in aad fahamtay masaafada macnaheeda, haddii ay sidaas aan kuu soo sheegay tahayna waxba kuma jabna wayna bannaantahay, maxaa yeelay haddii aanan gabadha aabbaheed joogin oo uu fogyahay waxaa wali u ah gabadha sheekha mehrinaya.
Daliilka Masaafada
Daliilkuna waa xaddiiska laga soo weriyay nabiga nnk, ee ay culumadu soo weriyeen ee leh "nikaax ma jiro wali la'aan", marka masaafadu wali way leedahay, mana aha wali la'aan sida dadka qaar u malaynayaan, waliguna ma aha aabaha oo kaliya ee waa ama aabbaha, ama adeerka, ama awoowe, ama ina adeer, ama qaalliga, ama xaakimka, ama sheekha mehrinaya dhammaan wali ayaa lagu magacaabaa.
Wahhaabiyada ayaa masaafada diidday, waxayna banneeyeen "Mutcada" iyo "dhillaysiga" iyo "qaniisnimada" iyo in "gabar iyo eeddadeed" la isla guursado, iyo in la isla guursado "gabadh iyo walaasheed"!!
Waxaa diiday oo dicaayad ka fidsha masaafada wahhaabiyada, waana lagama maarmaan in aan sheegno ceebahooda, maxaa yeelay ayaguba waxay ceebaynayaan culumada shaaficiyada ee bannaysay oo caddeeyay masaafada.
Marka wahhaabiyada waxaa la gudboon in aanay dadka wax ka sheegin, maxaa yeelay ayaga ayaa wax waxaas ka sii xun falaya.
Wahhaabiyadu waxay bannaysay Qaniisnimada
Wahhaabiyada sacuudigu waxay fatwoodeen in aanan xad ku waajibin ninkii qaniisnimo la yimaada, taas daaye waxayba dheheen way bannantahay oo xalaal!!
Wahhaabiyadu waxay banneeyeen "Mutcada iyo dhillaysiga"
Waxaa fatwooday sheekhoodii Indhoolka ahaa, ee ay ku magacaabi jireen Ibn Baaz, fataawihiisa mujalladka 4aad ayuu ku caddeeyay in ay bannaantahay "Mutcadu" taas oo ah in naag la mehersado caawa ayada oo uu ninku doonayo in uu berrito iska furo, oo uu doonayo in uu caawa la tunto oo kaliya, wuxuu yiri: kaliya shardi waxaa ah in uusan gabadha u sheegin oo ka qarsho!! Subxaana laahi, taasi dhillaysi iyo mutco kaliya maaha ee xataa khiyaano ayaa la jirta.
Taas ayaana ugu wacan in wahhaabiyada iyo Ittixaadka joogay Xeryaha qaxootiga ee Kenya ay toddobaad kasta guursadaan afar naagood, toddobaadka dambena furaan, kolkaa bishii dhexdeeda waxay guursanayaan 16 naagood, sanadkiina waxay guursanayaan 192 naagood!! taasina guur lama yiraahdo ee waa dhillaysi cad, marka dadka sidaas yeelaya ayaa masaafo wax ka sheegaya!!
Wahhaabiyadu waxay bannaysay in laba gabdhood oo isla dhashay la isla guursado
Taasna waxay ka dhacday qaar badan oo ka mid ah dowladaha Afrika oo ay u fatwoodeen afrikaanka qaar ka mid ah in ay guursankaraan laba gabdhood oo isla dhalatay, si ay ugu soo jiitaan mad-habtooda, maxaa yeelay waxaa jira bulshooyin afrika deggan oo caadaas xun aqoon jirtay dhaqan ahaan, oo hadda soo galay Islaamka walina haysta caadadaas, sida Nayjeeriya iyo Ugandha iyo Brundi iyo South Africa meelo ka mid ah.
Muslimiinta Soomaalidu haka digtoonaadeen caadooyinka xunxun ee Carabta
Wahhaabiyadu waxay diin ka dhigatay caadooyinkii xumaa ee carabta, Soomaalida qaar badan oo ka mid ahna waxay u malaynayaan waxaas in ay diin sax ah yihiin, waxaa ka mid ah caadooyinkaas, qaniisnimada, dhillaysiga jaadad badan oo ka mid ah oo magaalada Maka laga yaqiin Islaamka ka hor, marka wahhaabiyadii waxay soo noolaysay waxyaabihii dhaqanka u ahaa kufaartii Quraysh, ayaga oo ku andacoonaya in kufaarta Quraysh ay ka fiicnaayeen Muslimiinta maanta jooga sida uu sheegay Maxamad Bin Cabdulwahhaab.
Sidaa darteed, waxaan kula dardaarmayaa soomalida siiba dhallinyarada in ay ka digtoonaadaan akhlaaq xumada wahhaabiyadu waddo, waxay doonayaan in ay akhlaaqda ka dilaan dhallinyarada, si ay ugu shaqaystaan.
Diinta wahhaabiyada qofkii gala kama bixi karyo
Sababtuna waa middaas aan kuu sheegay, akhlaaqda ayay qofku marka uu soo galo ka dilayaan oo qaniisnimo iyo dhillaysi sharci been ah cuskan ayay barayaan, kadibna haddii uu doono in uu ka baxo kooxdooda waxay leeyihiin ceebahaaga oo dhan baan dadka u sheegaynaa, markaas bay dicaayad ka fidinayaan, gabdhihii uu ka dhillaystay iyo dadkii uu qaniisay oo dhan bay soo shirinayaan kolkaas bay leeyihiin ku markhaatifura oo dicaayadeeya.
Taas waxaa ka daran wadaaddada kuwa isku sheega ee u madaxda ahna waxay leeyihiin "wuu kufriyay" oo gaalnimo ayay ku xukumayaan, marka kooxdaas qofkii gala waa sidi nin Maasooniyada galay oo kale, kama bixi karyo haddii kale wuu dhimayayaa ama ayaga ayaa dilaya ama asiga ayaa is dilaya murugo awgeed.
Si aad wahhaabiyada uga baxdo, Kaalme iyo Talo haddii aad u baahantahay inala soo xiriir
Marka dhallinyaro badan ayaa nala soo xiriirtay oo aan caawinay una sheegnay tabaha looga baxo xarakaadka noocaas ah ee baadiniyada ah, ee khatarta ah, hadaba qofkii dhallinyarada u baahan kaalme iyo la talin si uu uga baxo kooxdaas hana la soo xiriiro heegan baanna u nahay in aan caawiniono intii tabarteen ah.
Khayr baan idiin rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, January 19, 2006 at 20:03:11 (CST)
- Su'aal: Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
a/c sxb waad salaamantihiin waxaan idin wey diinaayaa mabanaantahay masaafada maxaana daliil u noqonaaya? waad mahadsantihiin.
c/casiis nuur gureey <c/casiis nuur gureey>
- Thursday, January 19, 2006 at 19:07:16 (CST)
- Jawaab: Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?Assalaamu Calaykum: Walaal wiilka walaashaa dhashay waad nuujin kartaa haddii aad aabbihiis ogolaasho ka haysato oo aad sidaa ku heshiisiin, siiba haddii aanay hooyadiis caano lahayn ama xanuunsantahay. Laakiin haddii hooyadiis nooshahay oo caano leedahay oo ay caafimaad qabto ayada ayaa u xaq leh in ay nuujiso canugeeda. Mahadsanid.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, January 18, 2006 at 17:08:54 (CST)
- Su'aal: Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?Asalaamu calaym waraxmatulaah, sheakh wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?mahadsanid.
dulmar <fardoowsosa..>
- Wednesday, January 18, 2006 at 17:05:39 (CST)
- Jawaab: Salaadaha qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?Assalaamu calaykum: Walaal, cibaadadu waa towqiifi, macnaha Ilaahay ayaa sidaas ku soo dejiyay, lamana yiraahdo maxaa u sabab ah, tusaale ahaan, maxaa salaadda subaxa laba ragco loo tukadaa, salaadda duhurkana afar rakco loo tukadaa? jawaabtu waa in Ilaahay sidaas u soo dejiyay, wax kale oo laga sheegi karo ma jiraan, marka cibaadooyinka oo dhan waa sidaas, waa "towqiifi" macnaha sidaas ayay ku soo degeen in wax laga bedelana ma bannaana. Si kastaba ha ahaatee, culumada qaar ayaa yiri xigmad ayaa ku jirta kolkaas bay waxyaabo xigmad ah sheegaan, laakiin sababta aasaasiga ah waa midda aan kuu sheegay oo an in ay towqiifi yihiin.Khayr baan kuu rejaynayaa.
Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, January 18, 2006 at 05:32:42 (CST)
- Su'aal: Salaadaha qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?salaadaha shanta ah sida salaadda maqrib, cisha ha & salaadda subaxda maxaa loo jahraa ama kor loogu qaadaa faataxada kuwa kalena hoos loogu akhriyaa?
xasan shariif <xasanshariif>
- Wednesday, January 18, 2006 at 05:29:03 (CST)
- Jawaab: waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..Assalaamu calaykum: Walaal farta la bootinayo waa bidco ay wahhaabiyadu diinka ku soo kordhisay ee ma aha wax nabigu amray, waxaana u waxyooday shaydaan iyo ibliis in ay farahooda ku ciyaaraan intii ay khushuuci lahaayeen oo Ilaahay cabsidiisa qalbiga gelin lahaayeen.Fartuna waa xubin jismiga ka mid ah, qofkii xoog u nuuxnuuxsha ee in badan ku wada salaaddiisu in ay burto ayaa dhici karta sida culumadu sheegeen, maxaa yeelay nuuxnuuxsiga badan salaadda ayuu burrinayaa sida culumadu qabaan.Khayr baan kuu rejaynayaa.
Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, January 18, 2006 at 05:27:08 (CST)
- Su'aal: waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..Shiikh waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola in aad sameyso maxay tahay farta la boobootinayo inta ataxiyaadka lagu gudajiro!!
maxamed maxamuud <maxamuud>
- Wednesday, January 18, 2006 at 05:24:17 (CST)
- Jawaab: Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?Walaal, lacagta diibaajiga ah waxaa looga qaadaa qofka aqalka kiraysanaya "damaan" ahaan, oo haddii aqalka wax ka hallaabaan ama uu ijaarka bixin waayo ayaa lacagtaas laga qaadanayaa qofka, marka haddii ay sidaa tahay waxba kuma jabna oo waa damaan. Haddii labada qof ku heshiiyaan oo ay lacagta kala ceshadaan ayada waxba kuma jabna. Khayr baan kuu rejaynayaa.
Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, January 18, 2006 at 05:22:33 (CST)
- Su'aal: Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?Marka hore salaan, ka bacdi sheekh waxaan ku waydiinlahaa, ma banantahay lacagta debajiga ee dadku wax ku kala kiraysto? waayo waxaa dhacda in qof laga qado 1000 dolar isla markana uu guriga sanado badan ku jiro kii ka qadayna uu lacagtii isticmalo amma ay meel taloo oo ay ku babado. balse hadii labada qof hashiis ku yihiin in ay kala qataan debajiga ma xaranbaa?
dajiya cali <dejiya3>
- Wednesday, January 18, 2006 at 05:20:15 (CST)
Next Page..
Next Page..
< < < < Laabo
|