|
Islam in Somalia
|
 |
|
Soomaalidu waa ummad Islaam ah, caqiidadoodu waa Ashcariyo, mad-habtooda fiqhigana waa Shaaficiyo, Islaamkuna taariikh dheer buu ku leeyahay dalkeenna ee hadda sooma gelin sida ay wahhaabiyadu ku andacoonayso
|
|
Makkah
|
|
al_Madiinah
|
Ma'thuuraat
|
Islamic Architecture
|
|
|
DURUUS IYO SUUGAAN MAQAL AH
|
|
Dhegayso duruus Maqal ah
| |
Quraan, Subac, Digri, Caqiido, Fiqhi, Tasawuf, iyo dhammaan wixii aad u baahantahay ee diinta ku saabsan, waxaa soo habeeyay culumo aqoon dheer u leh diinka. Halkan Riix
|
|
XUSKA MOWLIDKA NABIGA NNK
|
|
Silsiladda Aasaaska Islaamka
|
|
AQOON LA'AANI WAA IFTIIN LA'AAN!
|
|
SIDEE XAQA KU HALEELAYSAA?
|
|
TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
|
|
|
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste webka "ahlusunnah wal jamaacah". Wuxuu u khidmeeyaa arrimaha dacwada oo kaliya, ma aha web siyaasadeed ama qabiil leeyahay, ama koox gaar ah ku danaysato, waa web u gaar ah dacwada Islaamka iyo cilmibaarista la xiriirta diinta Islaamka, sidaa darteed waxaan kaa codsanaynaa in aad taageerto intii tabartaa ah, waxaad ku tabaruci kartaa wax yar sida ($10.0) ama wax ka yar, taas oo wax wayn noqonaysa, hadaba sadaqada haka bakhaylin dacwada Islaamka, si aan khidmadan bilaashka ah ugu soo bandhigno akhristayaasha.
Qaabkee u bixin karaa tabarucaadka?
1. Riix meesha ay ku taal (donate) ee ku masawirantahay calaamadda (Viza ama Master Card-ka).
2. Haddii aad account ku leedahay Paypal, (Log in) ama gal accountigaaga, dabadeedna halkaa ka bixi tabarucaadka.
3. Haddii aadan account ama xisaab ku lahayn paypal, bogga hoos u sii raac ee riix halka ay ku taal (continue), dabadeedna adeegso Viza ama master card-gaaga ama debit card-kaaga si aad tabaruca u bixiso.
|
|
ISLAAMKU WAA BARASHO EE BAAWSI MAAHA!
| |
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
|
|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
OGAYSIIS: Akhristayaasha qaayaha leh waxaa la ogaysiinayaa in webka ahlusunnah ay ku socoto dibucusboonaysiin, sidaa darteed, waxaan wali la habayn qaybtii su'aalaha fatwooyinka, hadaba qofkii doonaya in uu su'aal waydiiyo ama fatwo waxaan ka codsanaynaa in uu si toos ah ugu soo diro emailka: webmaster@allahlusunnah.com, Mahadsanidiin.
|
|
Xaflad lagu maamuusayo Munaasabadda al-Israa wal Micraaj oo lagu qaban doono Minneapolis/St. Paul iyo Agagaarkooda, USA
|
|
Waxaa dhamaan Muslimiinta ku nool Magaalooyinka Mataanaha ee Minneapolis/St. Paul iyo Agagaarkooda la ogeysiinayaa in la qaban doono Xafladdii Dheelminta Suubanaha(scw) ee Israa Wal Micraaj. Waxayna xafladdani ka dhici doontaa:
Masaajidka Darul-Quba ee ku yaala Xaafadda Cedar.
1511 South 4th St
Minneapolis, MN 55454
Tel: 612-332-0104
Waxayna dhici doontaa Xafladdan qiimaha badan:
Sabtida Agoosto 11-da 2007 (8/11/2007)
Saacaduna tahay 5:00 p.m. ilaa 10:00 p.m.
As the full moon travels trough intense darkness. You traveled by night from one sacred place to another At the distance of two cubits length, as has never been attained nor sought, And you continued ascending until you attained a position Al-Isra Wal Mi’raj Celebration
Saturday night is the miraculous event of al-Isra’ wa al-Mi’raj (The Night Journey and the Ascension of Prophet Mohammad “scw”).
Masjid Darul-Quba invites you to attend this event
on Al Isra Wa Al Mi´raj to explore some of the great meanings and significance of this event to humanity.
Xafladdan qiimaha badan waxay dhici
doontaa maalinta Sabtida ah ee Axaddu soo
galeyso, waxaana Muxaadarooyin qiima
badan kasoo jeedin doona Masjidka Darul
Quba Culumada kala ah:
1. Sh. Sharif Mohamud
2. Sh. Sameer Saikal
3. Sh. Salah Macallin Abdullahi
Speakers:
• Sh. Sharif Mohamud
• Sh. Sameer Saikal
• Sh. Salah Moalin Abdullahi
Saturday evening of August 11th, 2007
from 5:00 p.m. to 10:00 p.m.
|
|
Ma xaaraan baa Waxyaabaha Xujaydu Xajka ka keenaan?
|
|
Assalaamu calaykum: Salaan kadib, waxaa akhristaayaasha qaarkood i waydiiyeen su'aalo, ayaga oo leh: Shiikhow, maadaama xajkii gudashadiisii laga soo laabtay, waxaa caado u ah muslimiinta Soomaalida iyo qaar kaleba in ay kolka ay xajka ka soo laabanayaan, soo qaadaan waxyaabo ay ka mid yihiin, tusbaxyo, biyo zamzam, cadayo lagu cadaysado, timir madiina laga keenay iwm oo ay aaminsanyihiin in ay waxyaabahaasi barakaysanyihiin, laakiin waxaan maqalnay dad leh, waxyaabahaasi waa bidco xaaraan ah, siiba wahhaabiyada ayaa sidaa dhahda. Sidoo kale waxay soo qaadaan kutub iyo buug badan oo sacuudiga lagu daabacay oo afaf badan ku turjuman sida soomaaliga, marka bal shiikhow naga jaahil bixi. Mahadsanid.
Jawaab: Assalamu calaykum: Intaa kadib, waa jirtaa in ay xujaydu soo qaadaan waxyaabo hadiyado ah sida kuwa aad sheegteen. Waxaana ugu muhiimsan:
1.Biyaha Zamzamka: Waana xalaal, bidcana ma aha, xaaraanna ma aha, sida xaddiiska nabiga nnk ku soo aroortay waa biyo daawo ah, wuxuu yiri nabigu: (Biyaha zamzam wixii loo cabo ayaa lagu helaa) macnaha, wixii loo cabo oo dan ah ama daawo ahaan ah waa lagu helaa.
2. Timirta loo yaqaan Cajwada: ee madiina laga keeno, ayaduna waa xalaal bidcana ma aha xaaraanna ma aha, taa daaye, waxaaba ammaanay nabiga oo yiri: qofkii ku jarmaata subaxdii timirtaas, sixir iyo sun toona ma dhibaan.
3. Tusbaxa: waa bannaanyahay, nabigu wuxuu faray in lagu wardiyo faraha, laakiin culumadu waxay dhaheen way bannaantahay in la adeegsado dhagaxyo ama laftimireed ama aleello xiran sida kuwa tusbaxa oo kale. Marka bidcana ma aha xaaraanna ma aha. Maxaa yeelay tusbaxu laf-ahaantiisu cibaado ma aha, ee waa aalad cibaadada loo kaalmaysanayo oo lagu xisaabinayo inta jeer ee qofku wardiga dhahay.
4. Kutubta Sacuudiga laga keeno: Waxaa loo baahanyahay in aad looga digtoonaado kutubtaas, maxaa yeelay waxaa qoray kooxda wahhaabiyada, waxaana ku qoran, kufri qayaxan, sida, tajsiimka iyo tashbiiha Ilaahay. Khaladaad badan oo xagga diinta ah, sida xaaraamaynta ay xaaraameeyeen waxyaabo badan oo xalaal ah. Waxyaabo badan oo ay bidco ku sheegeen sida tusbaxa oo aan runtii bidco ahayn. marka waxaa qof kasta oo muslim ah ku waajib ah in uu ka fogaado kana digtoonaado kutubtaas sumaysan. Siiba haddii uusan lahayn aqoon badan oo xagga diinta ah, oo uusan kala saari karin waxa toosan iyo waxa khaldan.
Khayr baan idiin rejaynayaa, xajkana allaha idinka aqbalo.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed
|
|
LA SOO DEG BUUG FREE AH
WAXAA QORAY DR. QAASIM HERSI FAARAH
|
|
XUQUUQDA UU EEBBE ADDOOMIHIISA KU LEEYAHAY
| |
Waa maxay xaqa ugu wayn ee Eebbe addoomihiisa ku leeyahay?
Waxaad ogaataa in kan ugu wayn xuquuqda Eebbe kor ahaayee uu yahay towxiidkiisa kor ahaayee, iyo in aanan wax kale loola shirko yeelin, maxaa yeelay Eebbe shirko u yeeliddiisu waa dambiga ugu way nee addoonku falo, waana dambiga uusan Eebbe dhaafayn, wuxuuna u dhaafaa wixii intaa ka sokeeya ciddii uu doono. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Eebbe ma dhaafo in loo shirko yeelo wuxuuse u dhaafaa wixii intaa ka sokeeya ciddii uu doono) [an-Nisaa': 48].
Akhri qoraalkan.
|
|
DIIN SAXIIX AH OO AAN ISLAAMKA AHAYN MA JIRO
| |
Diin saxiix ah oo aan Islaamka ahayn ma jiro
Diinka xaqa ah Eebbe agtiisa waa Islaamka, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Qofkii doonaya in uu diin ka dhigto wax aan islaamka ahayn laga aqbali maayo aakhirana wuxuu ka mid ahaan kuwa khasaaray) [ali-Cimraan:85]. Waxaa kale oo Eebbe yiri kor ahaayee: (Diinku Eebbe agtiisa waa Islaamka) [ali-Cimraan:19].
Akhri qoraalkan.
|
|
QAYBAHA KUFRIGA IYO WAXYAABAHA LAGU KUFRINAYO
| |
Caddaynta qaybaha kufriga
Waxaad ogaataa walaalkayga Muslimka ahow in ay jiraan ictiqaadyo iyo falal iyo oraahyo burrinaya labada ashahaatin kuna ridaya (qofka) kufri, maxaa yeelay kufrigu waa saddex jaad: kufri ictiqaad ah iyo kufri fal ah iyo kufri oraah (qowl) ah, waana isku raacsanyihiin afarta mad-habadood sida nawawi iyo ibn al-Muqri oo shaaficiyo ah iyo ibn Caabidiin oo xanafiyo ah iyo al-Buhuuti oo xambali ah iyo sheikh Maxamaded Caleesh oo maaliki ah iyo qaar kale kolka qofkii doona ha eego. Sidoo kale culumada aan ahayn kuwa afarta mad-habadood ee ka mid ah mujtahidiintii hore sida Awsaaci wuxuu ahaa mujtahid mad-hab lagu howlgalo leh kadibna ardaydiisii way la'deen.
Akhri qoraalkan.
|
|
SIDEE NAARTA LOOGA BADBADAYAA?
| |
Ka badbaadidda naarta
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Kuwii rumeeyayow ka koriya naftiina iyo qaraabadiinna naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxyo waxaa kor jooga malaa'ik adag oo xooggan, ma caasiyaan Eebbe wuxuu faray, waxayna falaan wixii la faro) [at-taxriim: 6].
Akhri qoraalkan.
|
|
KOW IYO KONTON MAS’ALO (51),
OO AY WAHHAABIYADU KU KUFRISAY
|
|
Nabigu nnk wuxuu yiri: "Diinku waa naseexo"
Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed oo ka jawaabaya dalab uga yimid akhristayaasha iyo culumada soomaalida qaar ka mid ah, kuna saabsan mas'alada kufriga firqada wahhaabiyada, ayaa qoraalkan ku caddeeyay konton iyo kow (51) mas'alo oo wahhaabiyadu ku kufrisay.
Halkan Riix
|
| |